Muqdisho, 27 Luulyo 2026 – Koox hawl-wadeenno ah oo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo u safraya dalka Shiinaha si ay uga faa’iideystaan deeq waxbarasho oo heer sare ah.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarinta aqoonta, tababarrada farsamada iyo kobcinta awoodda shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in tababarkan uu sare u qaadi doono xirfadaha iyo aqoonta hawl-wadeennada, si ay door muuqda uga qaataan horumarinta maamulka kheyraadka badda, ilaalinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya.


From the comments