Goobjoog

Waxbarashada

Golaha wasiirrada XFS oo Dr. Maxamuud Axmed Jimcaale u Magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga Tacliinta Sare, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, oo hore sidoo kale u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya

Golaha wasiirrada XFS oo Dr. Maxamuud Axmed Jimcaale u Magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga Tacliinta Sare, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, oo hore sidoo kale u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu magacaabay Dr. Maxamuud Axmed Jimcaale inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Tacliinta Sare, isagoo beddelaya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa soo dhoweysay magacaabistan, waxayna u rajeysay Guddoomiyaha cusub inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla markaana door muuqda ka qaato horumarinta tayada waxbarashada sare, maamulka jaamacadaha iyo kor u qaadista nidaamka tacliinta sare ee dalka.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isbeddellada iyo dib-u-habeynta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo hay’adaha waxbarashada, iyadoo la doonayo in la xoojiyo tayada adeegyada tacliinta sare iyo hufnaanta maamulka hay’adaha waxbarashada dalka.

Get Goobjoog updates

From the comments