Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, iyadoo natiijadu muujisay in boqolkiiba badan oo ardaydii u fariisatay imtixaanka ay ku guuleysteen.
Sida lagu sheegay xogta uu soo bandhigay Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaraddu, imtixaanka waxaa u fariistay 16,043 arday, kuwaas oo ka kala socday dugsiyada kala duwan ee gobollada Puntland, waxayna ardaydaasi kala ahaayeen 7,978 wiil iyo 6,941 gabdhood.
Natiijada guud ayaa muujisay in 14,919 arday, oo u dhiganta 92.99%, ay si guul leh uga gudbeen imtixaanka, halka 711 arday (4.43%) ay ku dhaceen, halka 413 arday (2.58%) ay maqnaayeen xilligii imtixaanku socday.
Tiradaasi ayaa muujinaysa in guud ahaan waxqabadka ardaydu uu ahaa mid wanaagsan, iyadoo heerka gudbistu uu aad uga sarreeyo boqolleyda dhacay iyo kuwa maqnaa.
Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigtay liiska saddexda dugsi ee ugu sarreeyay maaddo kasta, taasoo iftiimisay tartanka adag ee ka dhexeeya dugsiyada waxbarashada.
Maaddada Tarbiyada, kaalinta koowaad waxaa galay Darul-Quran Garoowe, waxaana ku xigay Usgure, halka Bright Badhan uu galay kaalinta saddexaad.
Dhanka Af-Soomaaliga, Imam Dahabi ee degmada Qardho ayaa galay kaalinta koowaad, waxaana ku xigay Bright Badhan, halka Darul-Quran Garoowe uu galay kaalinta saddexaad.
Maaddada Carabiga, Imaamu Shaafici Galkacyo ayaa hoggaanka qabtay, waxaana ku xigay Bright Badhan, halka Aayaha Boosaaso uu galay kaalinta saddexaad.
Maaddada Ingiriisiga, Bright Badhan ayaa noqotay dugsiga ugu sarreeya, waxaana ku xigay Nugaal iyo Ceeldaahir.
Sidoo kale, Bright Badhan ayaa kaalinta koowaad ka gashay Xisaabta, halka Bareeda iyo Nuradiin Primary ay galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad.
Maaddada Sayniska, Godobjiraan ayaa kaalinta koowaad galay, waxaana ku xigay Bursaalah iyo Al-Hidaaya Galdogob.
Dhanka ICT-ga, Qurdubo Boosaaso ayaa galay kaalinta koowaad, halka Bright Badhan iyo Nuradiin Primary ay galeen kaalmaha xiga.
Maaddada Cilmiga Bulshada, Bright Badhan ayaa mar kale noqotay dugsiga ugu sarreeya, waxaana ku xigay Samater Adde iyo Irro.
Natiijooyinkan ayaa muujinaya in Bright Badhan uu sanadkan si weyn uga dhex muuqday dugsiyada Puntland, isagoo kaalmaha ugu sarreeya ka galay maaddooyin badan, taasoo ka tarjumaysa dadaalka maamulka dugsiga, macallimiinta iyo ardayda.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa hambalyo u dirtay dhammaan ardayda ku guuleysatay imtixaanka, waalidiinta iyo macallimiinta, iyadoo ku boorrisay ardayda aan ku guuleysan inay sii wadaan dadaalkooda si ay u gaaraan guulo wanaagsan mustaqbalka.
From the comments