Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysanyihiin Puntland, Jubbaland, iyo mucaaradka ayaa warqad furan u diray madaxda dalalka ciidamada iyo booliska ku leh Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo ku baaqay in xal siyaasadeed oo loo dhan yahay laga hormariyo marxalad kasta oo la xiriirta amniga iyo kala-guurka Soomaaliya.
Warqadda, oo ku taariikheysan 27-ka Luulyo 2026, ayaa loo diray madaxda dalalka Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar, kuwaas oo ciidamo ku leh howlgalka AUSSOM.
Goluhu wuxuu ugu horreyn uga mahadceliyay dalalkaas doorkii ay ku lahaayeen taageerada Soomaaliya muddo ku dhow labaatan sano, isagoo xusay in kumannaan askari oo Afrikaan ah ay naf iyo maalba u hureen sidii Soomaaliya u heli lahayd nabad iyo xasillooni.
Si kastaba ha ahaatee, warqaddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo lagu sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka Baarlamaankuna uu muddo-xileedkiisu ku egyahay 14-kii Abriil 2026. Golaha ayaa sheegay in weli aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo hagaya kala-guurka dowladda.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowlad-Goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay sheegeen inay safka hore kaga jiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish.
Warqadda waxaa lagu sheegay in kala qeybsanaanta siyaasadeed ay wiiqday midnimada dalka iyo dadaalladii lagula dagaallamayay kooxaha hubeysan, taasoo keentay in caqabad ay ku noqoto amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Goluhu wuxuu soo jeediyay in la dhiso Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Kala-guurka Soomaaliyeed, kaas oo si wadajir ah u maamuli lahaa geeddi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyad buuxda leh.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay madaxda dalalka AUSSOM inay taageeradooda ku xiraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in guusha howlgalka AUSSOM aysan ku xirnayn oo keliya guulo ciidan, balse ay ku xirnaan doonto helitaanka dowlad sharciyad leh oo mideysan.
Warqaddan ayaa nuqullo ka mid ah loo diray Midowga Afrika, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Turkiga.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku soo gabagabeeyay warqaddiisa in Soomaaliya maanta u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo saldhig u noqon kara dib u dhiska hay’adaha dowladda, xoojinta amniga iyo qabsoomidda kala-guur nabdoon.
From the comments