Markab sida shidaalka iyo kiimikooyinka oo wata calanka Tanzania ayaa lagu afduubtay xeebaha Gacanka Cadmeed, iyadoo falkaasi loo aaneynayo burcad-badeed Soomaali ah.
Markabka oo lagu magacaabo MT ASANA ayaa la sheegay in ay fuuleen toddobo nin oo hubeysan xilli uu ka soo baxay dekedda Al-Mukalla ee dalka Yemen, kuna sii jeeday safarkiisa.
Sida ay sheegeen hay’adaha la socda amniga badaha, markabka ayaa markii dambe loo leexiyay dhanka biyaha Soomaaliya.
Wararka ayaa tilmaamaya in markabka loo kaxeeyay xeebaha gobolka Bari ee Puntland, gaar ahaan agagaarka degmada Caluula, halkaas oo lagu hayo.
Xogta raadraaca maraakiibta ayaa muujisay in markabku si aan caadi ahayn u socday xawaare gaabis ah, isagoo gudbinayay calaamadda inuu ku wajahan yahay dekedda Boosaaso.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin tirada iyo jinsiyadda shaqaalaha saarnaa markabka, mana jirto war cad oo ku saabsan xaaladdooda caafimaad.
Sidoo kale, maamulka Puntland, milkiilayaasha markabka iyo ciidamada caalamiga ah ee howlgalka ka wada badda ayaan weli faahfaahin ka bixin xaaladda markabka iyo shaqaalihiisa.
Shirkadda amniga badaha ee Ambrey ayaa sheegtay in markabku uusan lahayn ciidamo hubeysan oo ilaalinayay markii la afduubanayay.
Wararka ayaa sidoo kale xusay in markab dagaal oo Kuuriyada Koonfureed leedahay uu u gurmaday kadib markii la helay fariin degdeg ah (distress call).
Khubarada amniga badaha ayaa sheegaya in dhacdadan ay muujineyso dib u soo laba-kacleyn ku timid burcad-badeedda Soomaaliya, taas oo la xiriirta xaaladaha amni ee ka jira xeebaha dalka iyo hoos u dhaca joogitaanka qaar ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee ilaalin jiray marin-biyoodka muhiimka ah.
Gacanka Cadmeed ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamka, maadaama uu isku xiro Badda Cas, Kanaalka Suweys iyo Badweynta Hindiya. Kororka weerarrada burcad-badeedda ayaa khatar ku noqon kara isu socodka maraakiibta ganacsiga ee gobolka.
From the comments