Goobjoog

Warar & Warbixino

Maamulka Waqooyi Bari oo wajahaya Jahwareer Siyaasadeed iyo 5 xildhibaan oo is casilay

Maamulka Waqooyi Bari ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed ah, kadib markii shan xildhibaan oo ka tirsanaa golaha wakiillada maamulkaasi ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay iska casileen xubinnimadoodii.

Qoraal ay xildhibaannadu soo saareen ayay ku sheegeen in go’aankooda uu yimid kadib markii ay muddo dheer ka biyo diideen habka maamulka loo hoggaaminayo, isla markaana ay ku qanci waayeen jihada siyaasadeed ee uu maamulka u socdo.

Waxay sheegeen inay muddo isku dayayeen inay arrimaha gudaha ku xalliyaan wada-hadal iyo talooyin, balse dadaalladaasi aysan wax natiijo ah dhalin.

Xildhibaannada is-casilay ayaa sidoo kale sheegay inay si rasmi ah uga tanaasuleen xubinnimadoodii golaha wakiillada maamulka Waqooyi Bari, iyagoo xusay inay mustaqbalka si faahfaahsan uga hadli doonaan arrintan.

xildhibaannada is-casilay ayaa kala ah:
Xildhibaan:

1) Makhtal Said Mohomoud
2) Xildhibaan Ahmed Caabi Xasan
3) Xildhibaan Abdisalaan Abdulaahi Mohamed
4) Xildhibaan Sadiq Jama Muse
5) Xildhibaan Ahmed Ali Mohamed

Is-casilaaddan ayaa imaanaysa xilli dhowaan xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuji ay ku biirtay dhinaca Somaliland, lamana oga in xubnahan cusubi ay qaadi doonaan tallaabi taas lamid ah.

Is casilaadda xildhibaannadan ayaa saameyn ku yeelan karo isku-duubnida golaha wakiillada iyo mustaqbalka maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo soo noqnoqday.

Get Goobjoog updates

From the comments