Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furtay barnaamij cusub oo heer gobol ah oo loogu talagalay la dagaallanka tahriibinta dadka, dukumentiyada been-abuurka ah iyo dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.
Barnaamijkan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa ka hirgelaya dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, waxaana uu diiradda saarayaa burburinta shabakadaha dambiyada ee ka faa’iideysta daciifnimada maamulka xuduudaha, awoodda hay’adaha dowladda iyo wadaagga xogaha amniga.
Sida ay IOM sheegtay, arrimahan ayaa sabab u noqda in muhaajiriin badan ay la kulmaan tacaddi, ka faa’iideysi, tahriibin iyo ganacsi dadka lagu iibiyo.
Munaasabadda daah-furka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo sheegay in barnaamijkani door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo ilaalinta xuduudaha dalka.
Wasiirku wuxuu xusay in ilaalinta xuduudaha ay saldhig u tahay sugidda amniga qaranka, fududeynta isu-socodka sharciyeysan ee dadka iyo ganacsiga, iyo ka hortagga dambiyada caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha ciidan amni oo xirfad leh, si ay ula tacaalaan khataraha sii kordhaya.
Barnaamijkan cusub ayaa diiradda saari doona casriyeynta maamulka xuduudaha, horumarinta nidaamyada amniga garoomada diyaaradaha, xoojinta awoodda lagu ogaanayo dukumentiyada safarka ee been-abuurka ah, kobcinta hawlgallada ku saleysan xogaha sirdoonka, hagaajinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kor u qaadidda dadaallada lagu difaacayo xuquuqda dadka nugul ee ay saameeyaan tahriibinta iyo dambiyada la xiriira.
Mas’uuliyiinta ayaa rajo ka muujiyay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta amniga Soomaaliya iyo gobolka, isla markaana uu yareyn doono khataraha ka dhasha tahriibinta sharci darrada ah iyo dambiyada ka gudba xuduudaha.
From the comments