Goobjoog

Warar & Warbixino

Dabkii Suuqa Bakaaraha oo la damiyay; baaritaan iyo qiimeyn khasaaro oo socda

Ciidamada Dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ku guuleystay inay si buuxda u damiyaan dabkii ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin goobta gaaray ayaa sheegay in dabka la xakameeyay kaddib howlgal saacado qaatay oo ay iska kaashadeen ciidamada dab-damiska, ganacsatada iyo shirkado ka qeyb qaatay gurmadka, taasoo ka hortagtay inuu dabku ku faafo goobo kale oo ganacsi.

Dabka ayaa sababay burbur soo gaaray xarumo ganacsi iyo hanti badan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin baaxadda khasaaraha dhaqaale iyo tirada goobaha uu saameeyay.

Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha dhaqaale ee uu dabku sababay, ayadoo qaar kamid ah ganacsatadii dadkaas ku hanti beelay ay ka warameen waxyeellada gaartay ganacsayadooda.

Dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto marka la soo gabagabeeyo baaritaanka iyo qiimeynta khasaaraha, waxaana dabkan lagu tilmaamay mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa.

Get Goobjoog updates

From the comments