Guddoomiyeyaasha Bangiyada Dhexe ee dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta lacag mideysan oo ay dalalka xubnaha ka ah isticmaalaan marka la gaaro sannadka 2031, inkasta oo ay weli jiraan caqabado dhaqaale iyo kala duwanaansho dhanka diyaar-garowga ah oo u dhexeeya waddamada xubnaha ka ah.
Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii 29-aad ee Guddiga Arrimaha Lacagta ee EAC (Monetary Affairs Committee – MAC), oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Uganda, Michael Atingi-Ego, waxaana ka qeyb galay madaxda bangiyada dhexe ee Soomaaliya, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfurta Suudaan iyo Uganda.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hirgelinta lacag mideysan ay muhiim u tahay xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, iyadoo la doonayo in la yareeyo kharashaadka is-weydaarsiga lacagaha kala duwan, la fududeeyo ganacsiga xuduudaha isaga gudba, isla markaana la dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha gobolka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in inkasta oo dhaqaalaha caalamka uu weli wajahayo caqabado ay ka mid yihiin sicir-bararka, qiimaha shidaalka iyo saameynta colaadaha caalamiga ah, haddana dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika la filayo inuu sii kobco, iyadoo la saadaalinayo korriin gaareysa 5.2%.
Si kastaba ha ahaatee qaar kamid ah dalalka xubnaha ka ah ururkan ayaan weli si buuxda u buuxin shuruudaha dhaqaale ee looga baahan yahay midaynta lacagta, kuwaas oo ay ka mid yihiin xakamaynta sicir-bararka, xoojinta kaydka lacagaha qalaad iyo ilaalinta heerarka deynta dowladda.
Si loo dardargeliyo geeddi-socodka, guddigu wuxuu isku raacay in la sameeyo hab is-qiimeyn joogto ah oo ay dalalka xubnaha ka ah isku kormeeraan, si loo hubiyo inay gaaraan shuruudaha looga baahan yahay muddada u dhexeysa 2026 ilaa 2031.
Haddii qorshahan uu hirgalo, lacagta mideysan ee EAC ayaa noqon doonta tallaabo weyn oo lagu xoojinayo isdhexgalka dhaqaale ee Bariga Afrika, iyadoo Soomaaliya iyo lixda dal ee kale ee xubnaha ka ah ay wadaagi doonaan hal nidaam lacageed oo la filayo inuu fududeeyo ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha gobolka.
From the comments