Goobjoog

War

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Baaq Nabadeed ka Soo Saartay Colaadda Ka Taagan Dawaco ee Gobolka Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed oo degdeg ah, kaddib markii ay walaac ka muujisay colaadda ka dhex aloosan beelo walaalo…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Baaq Nabadeed ka Soo Saartay Colaadda Ka Taagan Dawaco ee Gobolka Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed oo degdeg ah, kaddib markii ay walaac ka muujisay colaadda ka dhex aloosan beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanka Dawaco ee degmada Badhan, Gobolka Sanaag.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda iyo xabbadda, isla markaana muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan falal iyo hadallo sii hurin kara xiisadda.

Waxay sidoo kale ku boorrisay dhinacyada inay u jeestaan wada-hadal iyo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda.

Bayaanka ayaa lagu adkeeyay in nabadda iyo dib-u-heshiisiintu yihiin tiirarka lagu ilaalin karo badqabka shacabka, horumarka bulshada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Federaalka ay caddeysay inay garab taagan tahay dadaal kasta oo lagu soo afjarayo colaaddan.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay ugu baaqday Odeyaasha Dhaqanka, Culumada, Haweenka, Dhalinyarada, maamulka heerarka kala duwan iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed inay si mideysan uga qeyb qaataan dadaallada nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo isu soo dhoweynta dhinacyada ku dagaallamaya deegaanka Dawaco.

Get Goobjoog updates

From the comments