Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjebiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ruushka, halkaas oo ay ku qaateen shahaadada heerka labaad ee jaamacadda (Master Degree).
Saraakiishan ayaa ku takhasusay cilmiga Maamulka Guud iyo Qorshaynta Istaraatiijiga ah, taas oo kor u qaadaysa aqoontooda iyo xirfaddooda hoggaamineed, isla markaana kaalin muhiim ah ka qaadan doonta horumarinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya.
Qalin-jebintan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 40 sano oo saraakiil Soomaaliyeed ay ka qalinjebiyaan Akadeemiyaddan sare ee Ruushka.


From the comments