Maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay inay si adag u cambaareyneyso waxa ay ku tilmaantay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Puntland waxay ku eedeysay tallaabooyinkaas inay halis ku yihiin colaado hor leh iyo xasilloonida nidaamka dowladnimada Puntland.
Puntland ayaa sidoo kale caddeysay in ciidanka keliya ee sharci ahaan uga hawlgali kara deegaannadeeda ay yihiin Ciidamada Difaaca Puntland (PSF), isla markaana aysan aqbali doonin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka howlgala gudaha Puntland.


From the comments