Goobjoog

War

Kenya oo Dhistay Cutub Gaar ah oo La Dagaallama Ka Ganacsiga Dadka iyo Dambiyada Xuduudaha Ka Gudba

Nairobi – Dowladda Kenya ayaa hawlgelisay cutub boolis oo khaas ah oo loogu talagalay la dagaallanka ka ganacsiga dadka, tahriibinta muhaajiriinta iyo dambiyada abaabulan ee la xiriira socdaalka. Mas’uuliyiintu waxay…

Kenya oo Dhistay Cutub Gaar ah oo La Dagaallama Ka Ganacsiga Dadka iyo Dambiyada Xuduudaha Ka Gudba
Screenshot

Nairobi – Dowladda Kenya ayaa hawlgelisay cutub boolis oo khaas ah oo loogu talagalay la dagaallanka ka ganacsiga dadka, tahriibinta muhaajiriinta iyo dambiyada abaabulan ee la xiriira socdaalka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in uu yahay cutubkii ugu horreeyay ee noociisa ah Bariga Afrika.

Cutubkan oo ka kooban 29 sarkaal, laguna magacaabo Counter-Organised Immigration Crime Team (COICT), ayaa ka shaqeyn doona baaritaanka shabakadaha dambiyada ee ka faa’iideysta xuduudaha iyo nidaamka socdaalka Kenya.

Waxaa la geyn doonaa goobaha muhiimka ah ee xuduudaha dalka.

Saraakiisha ayaa tababar heer sare ah ku qaatay baaritaannada ku saleysan xog sirdoon, falanqaynta caddeymaha dijitaalka iyo maaliyadda, maamulka goobaha dambiyada, iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha.

Agaasimaha Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI), Mohamed Amin, ayaa sheegay in cutubkan uu diiradda saari doono burburinta shabakadaha dambiyada abaabulan iyadoo isla markaana la dhowrayo xuquuqda iyo karaamada dadka ay dhibaatadu soo gaarto.

Mashruucan waxaa taageeray Barnaamijka Amniga Xuduudaha Bariga Afrika, iyadoo ay gacan ka geysteen Dowladda Boqortooyada Midowday (UK), hay’adaha VALAR iyo HAART Kenya.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dalalka Bariga Afrika ku xoojinayaan iskaashiga amniga si loola dagaallamo ka ganacsiga dadka, tahriibinta muhaajiriinta, maalgelinta argagixisada iyo been-abuurka dukumentiyada safarka.

Get Goobjoog updates

From the comments