Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Markii uu gaaray magaalada, Taliye Sahal waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Saraakiisha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Intaas kadib, wuxuu u gudbay xarunta taliska halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay saraakiisha qaybta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda ciidamada, iyo sare u qaadidda hufnaanta howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray dagaallada socda.
From the comments