MUQDISHO, Soomaaliya — Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ahi lagu dilay Macallin Jinoow Ibraahin, oo ahaa sarkaal miisaan culus ku lahaa hoggaanka sare iyo maamulka maaliyadeed ee kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab.
La-dagaallanka Al-Shabaab
Maxaa ka Jira Dilka Macallin Jinoow?
MUQDISHO, Soomaaliya — Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ahi lagu dilay Macallin Jinoow…

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo qabtay shir jaraa’id, ayaa xaqiijiyay in sarkaalkan, oo lagu sheegay ninka sagaalaad ee ugu sarreeya kooxda AS, si dhowna ula shaqayn jiray Amiirka Guud ee Al-Shabaab, argaggaxiye Axmed Diiriye, isla markaasna xubin ka ahaa Golaha Shuurada, lagu dilay duqayn ka dhacday degaanka Sabyo oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Inkastoo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in hawlgalka ay kala qaybqaateen dalal saaxiib la ah Soomaaliya, kuwaas oo inta badan lagu tuhmo Maraykanka ama Turkiga, haddana waxa jira jahawareer dhinaca xaqiijinta ah. Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay duqayn dhacday isla maalintaas, balse wuxuu sheegay in hawlgalka laga fuliyay goob 75 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Kismaayo, taas oo ka duwan goobta ay Dawladda Soomaaliya sheegtay.
Dhinaca kale, kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab ayaan weli si rasmi ah uga hadlin geerida sarkaalkan. Falanqeeyayaasha amniga ayaa tilmaamaya in kooxdu inta badan qariso dilalka hoggaamiyayaasheeda sare, si ay u ilaaliso nidaamkeeda gudaha iyo niyadda dagaalyahannadeeda.
Tusaale ahaan, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay dishay hoggaamiyayaal sare oo ka tirsanaa AS, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Injineer, oo ahaa madaxii qaraxyada iyo warbaahinta kooxda, laguna dhawaaqay geeridiisa bishii Diseembar 2025; iyo Maxamuud Cabdi Xamuud, oo loo yaqaannay Jacfar Guureey, kana mid ahaa aasaasayaashii kooxda, xilalna ka soo qabtay qaybteeda sirdoonka, kaas oo la sheegay in la dilay bishii Oktoobar 2025. Hasayeeshee, al-Shabaab marna si rasmi ah uma qiran geeridooda.
Hoggaamiyihii ugu danbeeyay ee ay argaggaxisadu si rasmi ah u qiratay geeridiisa wuxuu ahaa argaggaxiye Maxamed Mire, oo ahaa Madaxii Arrimaha Gudaha ee Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay duqayn uu Maraykanku fuliyay dhammaadkii 2024.
Macallin Jinoow wuxuu ahaa Madaxii Lacagaha iyo Canshuuraha Sharcidarrada ah ee kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab ka ururin jirtay gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo caasimadda Muqdisho.
Geeridiisa, haddii si madaxbannaan loo xaqiijiyo, waxa lagu tilmaami karaa dhabarjab weyn oo ku yimid maamulka maaliyadeed iyo qorshaynta dagaalka ee AS. Hasayeeshee, khubarrada amniga ayaa aaminsan in al-Shabaab ay leedahay hannaan ay si degdeg ah ugu beddesho hoggaamiyayaasha laga dilo, taas oo marar badan u suurtagelisay inay sii waddo hawlaheeda kaddib marka laga dilo saraakiil sare.

From the comments