Goobjoog

War

Galmudug oo beenisay eedeymo uga yimid Puntland

Maamulka Galmudug ayaa si adag u beeniyay eedeymo uga yimid Puntland oo sheegayay in hub lagu weeraray deegaannada Puntland uu sii maray ama laga soo gudbiyay garoomo ku yaalla Galmudug

Galmudug oo beenisay eedeymo uga yimid Puntland

Maamulka Galmudug ayaa si adag u beeniyay eedeymo uga yimid Puntland oo sheegayay in hub lagu weeraray deegaannada Puntland uu sii maray ama laga soo gudbiyay garoomo ku yaalla Galmudug.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Cabdiraxmaan Axmed Xayle, oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, isla markaana aysan jirin wax hub ah oo laga daabulay deegaannada Galmudug si loogu adeegsado deegaannada Puntland.

Wasiirku wuxuu xusay in Galmudug iyo Puntland ay ka dhexeeyaan xiriir iyo iskaashi dhinacyo badan leh, isagoo tilmaamay in labada maamul ay muhiim u tahay wada shaqeynta amniga iyo xasilloonida gobolku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan u baahnayn inay u adeegsato Galmudug waddo ay u marto howlgallada gudaha Puntland, asagoo sheegay in gudaha maamulkaas ay toos uga howlgasho.

Wuxuu intaas ku daray in maamulka Galmudug uu la yaabay warqadda iyo eedeymaha kasoo baxay Puntland, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, halkii la isweydaarsan lahaa eedeymo aan la xaqiijin.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowaan Puntland ay soo saartay warqadda ay Galmudug uga digayso in dawladda Federaalka Soomaaliya ay deegaannada maamulkaas u adeegsato meel looga soo duulo Puntland

Get Goobjoog updates

From the comments