Goobjoog

War

Aljeeriya oo Dib u Furatay Safaaraddeedii Soomaaliya Kaddib 41 Sano

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Aljeeriya u soo magacowday Soomaaliya, Maxamed…

Aljeeriya oo Dib u Furatay Safaaraddeedii Soomaaliya Kaddib 41 Sano

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Aljeeriya u soo magacowday Soomaaliya, Maxamed Xaliim.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Soo magacaabista Safiirka cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Aljeeriya ay dib u soo nooleynayso joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, kaddib in ka badan afartan sano.

Safaaradda Aljeeriya ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ugu dambeysay inay si rasmi ah u shaqeyso sanadkii 1985, taasoo ka dhigeysa dib u furitaankeeda tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sii xoogeynta xiriirka labada dowladood.

Waxaa la filayaa in dib u howlgelinta Safaaradda Aljeeriya ee Soomaaliya ay door weyn ka qaadato xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta xiriirka shacabka labada dal, iyadoo sidoo kale fududeyn doonta wada shaqeynta diblomaasiyadeed iyo iskaashiga heer gobol iyo mid caalami ah.

Get Goobjoog updates

From the comments