Goobjoog

War

Laba Musharax oo kusoo haray tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii ay kusoo hareen laba musharrax oo kala ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sadaad Caliyow iyo Wasiirka…

Laba Musharax oo kusoo haray tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii ay kusoo hareen laba musharrax oo kala ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sadaad Caliyow iyo Wasiirka Dekeddaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Dhay ayaa la sheegay inuu ka haray tartanka.

Labada musharrax ee ku haray loollanka ayaa lagu tilmaamaa siyaasiyiin saameyn ku leh xiriirka Villa Soomaaliya, taasoo ka dhigeysa tartanka mid si weyn isha loogu hayo maadaama labada dhinacba ay leeyihiin taageero siyaasadeed oo muuqata.

Doorashadan ayaa timid kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo sababtay in la buuxiyo jagada bannaan.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii xoogaystaan ololayaasha iyo dadaallada lagu kasbanayo taageerada xubnaha Golaha Shacabka, iyadoo natiijada doorashadu saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadda dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Get Goobjoog updates

From the comments