Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ka digay in ifafaalaha cimilo ee loo yaqaan “Super El Niño” uu sababi karo khasaare dhaqaale oo u dhexeeya $10 bilyan illaa $20 bilyan dalalka Afrika ee sida weyn u saameyn doona, iyadoo sidoo kale la filayo inuu horseedo barakac ballaaran iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo.
Agaasimaha Isbeddelka Cimilada iyo Kobaca Cagaaran ee AfDB, Anthony Nyong, ayaa sheegay in dalalka ugu daran ay waxyeelladu ku dhici doonto ay celcelis ahaan lumin karaan 1% ilaa 2% wax-soo-saarkooda guud (GDP).
Wuxuu xusay in abaarta, fatahaadaha iyo duufaannada la xiriira El Niño ay sii wiiqi doonaan sugnaanta cuntada iyo biyaha, isla markaana dhaawici doonaan kaabeyaasha dhaqaalaha.


From the comments