Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo ku taariikhaysan 26-ka Luulyo 2026, kaas oo ku saabsan habraaca sharci ee dadka u xiran dowladda.
Goluhu wuxuu faray Xukuumadda Dowladda Waqooyi Bari inay si degdeg ah maxkamad awood u leh u horkeento dhammaan dadka ku xiran xabsiyada dowladda ee lagu eedeeyay dambiyada la xiriira amniga, argagixisada iyo dambiyada kale, si dacwadahooda loogu qaado si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Sidoo kale, Golaha Wakiilladu wuxuu adkeeyay in dacwadahaasi loo fuliyo si hufan, caddaalad ah, lana dhowro dhammaan xuquuqaha uu sharcigu dammaanad qaaday eedeysanayaasha inta uu socdo habraaca garsoorka.


From the comments