Muqdisho, Soomaaliya — Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa shaacisay in Midowga Yurub ay si buuxda u taageersan tahay baaqa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan qabashada shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Danjiradda ayaa ku tilmaantay kulankan mid aad muhiim ugu ah mideynta qaranka iyo xoojinta wadajirka bulshada iyo siyaasadda, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay si hufan oo degdeg ah uga jawaabaan fursaddan muhiimka ah.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in ay lama huraan tahay in la helo hannaan siyaasadeed oo la isku halayn karo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, si dalka loogu jiheeyo mustaqbal deggan oo ku dhisan dimuqraadiyad.


From the comments