Goobjoog

MIDOWGA YURUB

Dalalka Yurub oo Billaabay Tallaabooyin Ka Dhan Ah Soo Dejinta Alaabta Shirkadaha Israa’iil ee ka Howlgala Daanta Galbeed

Wararka ka imaanaya qaaradda Yurub ayaa sheegaya in dowladda Biljamka (Belgium) ay si rasmi ah u ansixisay go’aan lagu mamnuucayo soo iibsashada iyo soo dhoofsashada alaabada ka timaada deegaannada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ka dhex dhistay dhulka gumeysiga ee Falastiin. G

Dalalka Yurub oo Billaabay Tallaabooyin Ka Dhan Ah Soo Dejinta Alaabta Shirkadaha Israa’iil ee ka Howlgala Daanta Galbeed

Wararka ka imaanaya qaaradda Yurub ayaa sheegaya in dowladda Biljamka (Belgium) ay si rasmi ah u ansixisay go’aan lagu mamnuucayo soo iibsashada iyo soo dhoofsashada alaabada ka timaada deegaannada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ka dhex dhistay dhulka gumeysiga ee Falastiin.

Go’aankan oo uu qaatay Golaha Wasiirada ee dowladda Federaalka Biljamka, ayaa daba socda dadaallo caalami ah iyo kuwo gobolka ah oo lagu cadaadinayo maamulka Tel Aviv.

Inkastoo go’aanka la meelmariyay, haddana dowladda Biljamka weli si rasmi ah uma qeexin habka farsamo iyo xilliga saxda ah ee uu dhaqangali doono xayiraaddan ganacsi.

go’aankan cusub ayaa xorriyad iyo awood sharci u helay ra’yigii latalinta ahaa ee ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa dhowaan xaqiijisay in joogitaanka Israa’iil iyo dhismaha deegaannada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay yihiin kuwo sharci-darro ah.

ICJ ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dowlada caalamka inay qaadaan tillaabooyin dhab ah oo lagu hakinayo xiriirada ganacsi iyo maalgashi ee gacan ka geysanaya sii jiritaanka iyo ballaarinta dhulka la haysto ee Falastiin.

Tallaabadan oo ay hormuudka u tahay Biljamka ayaa dhalisay xarakaad iyo guux weyn oo ka dhex bilowday Midowga Yurub, dalalka Biljamka, Nederland (Netherlands), iyo Isbayn (Spain) ayaa hadda si wadajir ah u hoggaaminaya isbahaysi dalal Yurub ah oo daraasad ku samaynaya doorashooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo ganacsiga lala leeyahay deegaannadaas sharci-darrada ah.

Tallaabooyinkan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jiraan cadaadisyo xooggan oo kaga imaanaya bulshada rayidka ah ee reer Yurub iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo dalbanaya in Midowga Yurub uu joojiyo maalgelinta iyo gadashada waxyaabaha ay Israa’iil ka soo saarto dhulka ay xoogga ku haysato.

Get Goobjoog updates

From the comments