Goobjoog

MIDOWGA YURUB

Midowga Yurub oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si xal loogu helo khilaafka ka taagan hannaanka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.…

Midowga Yurub oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si xal loogu helo khilaafka ka taagan hannaanka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir dhow la leeyahay dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, iyadoo adkeysay in wadahadalku yahay jidka kaliya ee lagu xallin karo kala aragti duwanaanshaha jira.

“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjire Di Mauro, iyadoo raacisay in beesha caalamku ay dooneyso in miiska wada-fadhiga lagu dhameeyo khilaafaadka ka dhashay hannaanka doorashada.

Danjiraha ayaa xustay inay jireen isku dayo iyo wada-hadallo horey u dhexmaray dowladda federaalka, mucaaradka, iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ka hor intii aysan xafiiska la wareegin bishii Sebtembar ee sanadkii hore.

Waxay ku baaqday in marka dib loogu dhawaaqo miiska wada-hadalka ay dhammaan dhinacyadu ka qeyb galaan si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo la taaban karo.

“Waxaan rabaa inaan ka faa’iideysto fursaddan si aan mar kale u caddeeyo inaan rajeynayno in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay hadalkeeda raacisay Danjiruhu.

Baaqan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafyada dhinaca sharciga iyo farsamada ee la xiriira nooca doorasho ee uu dalku aadayo, iyo sida ay dowladda federaalka, maamul goboleedyada, iyo saamileyda siyaasadeed isaga kaashan lahaayeen hannaanka cusub ee doorashooyinka.

Get Goobjoog updates

From the comments

Midowga Yurub oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya - Goobjoog