Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay xayiraado cusub oo ku-meel-gaar ah oo saameynaya bixinta fiisaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan si buuxda uga soo bixin iskaashiga la xiriira dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sharci-darrada ku jooga dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo ay heshay warbaahinta dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub looma oggola inay siiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed fiisaha gelitaanka badan (multiple-entry visa), marka laga reebo madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa adeegga.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa kordhiyay muddada lagu farsameynayo codsiyada fiisaha ee Soomaalida, iyadoo laga dhigay 45 maalmood, halkii ay markii hore ka ahayd 15 maalmood.


From the comments