Goobjoog

Golaha Shacabka

Muxuu daarranyahay Safarka Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ee magaalada Baydhabo?

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi Xildhibaano ah oo ay hogaamineyso ayaa soo gaartay Magaalada Baydhabo ee caasimadda Kmg ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Magaalada Baydhabo uga qeyb geli doonta xafladda caleemasaarka hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.

Munaasabadda Caleema-saarka hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa maalmo soo socda ka dhici doonta magaalada Baydhabo, iyadoo la filayo inay kulmi doonto madaxda Qaranka, kuwa dawlad Goboleedyada qaarkood,  iyo safiirrada Beesha caalamka.

Get Goobjoog updates

From the comments