Goobjoog

Golaha Shacabka

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO FURTAY SHIRKA BANBAXA EE GUDDIGA JOOGTADA

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi…

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO FURTAY SHIRKA BANBAXA EE GUDDIGA JOOGTADA

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah, kaas oo maanta si rasmi ah u furmay, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Shirka Banbaxa ee guddiga joogtada oo Inta uu socdo looga doodi doono qorshaha shaqo ee Kalfadhiga 8-aad, jadwalka kulamada Golaha, mudnaanta sharciyada horyaalla, iyo arrimo kale oo muhiim u ah horumarinta howlaha Golaha ayaa ugu horreyn Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) waxa uu xubnaha Guddiga Joogtada ah si faahfaahsan ugu sharraxay habraaca uu shirka u socon doono, iyo sidoo kale qodobada muhiimka ah looga doodi doono.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga mahadceliyey ka soo qeyb galkooda shirka, isagoo xusay in shirkan uu laf-dhabar u yahay diyaarinta iyo dardargelinta howlaha horyaalla Golaha Shacabka Kalfadhiga 8-aad, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta hannaanka shaqo ee Golaha.

Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo si rasmi ah u furtay shirka ayaa sheegtay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay isku dubbaridka shaqooyinka Golaha iyo dejinta qorshe cad oo lagu wajahayo ajendayaasha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku boorrisay xubnaha Guddiga Joogtada ah inay si hufan, masuuliyad leh, isla markaana wadashaqeyn ku dheehan tahay uga doodaan qodobada horyaalla, si loo gaaro go’aanno waxtar u leh Golaha iyo guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxay carrabka ku adkeysay in Golaha Shacabku uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Get Goobjoog updates

From the comments

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO FURTAY SHIRKA BANBAXA EE GUDDIGA JOOGTADA - Goobjoog