Goobjoog

Golaha Shacabka

Maxaa looga hadlay kulankii Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka ee maanta?

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir-guddoominaysay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka…

Maxaa looga hadlay kulankii Guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka ee maanta?

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir-guddoominaysay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa diyaarinta iyo furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka, waxaana xubnaha Guddiga Joogtada ah ay si qoto dheer uga doodeen waqtiga ku habboon ee la furayo kalfadhiga 8-aad ee Golaha, si loo dardargeliyo loona sii ambaqaado waajibaadka dastuuriga ah iyo howlaha sharci dejinta ee horyaala Golaha.

Intii uu socday kulanka, xubnaha guddigu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in Golaha Shacabku dib u guda galo howlaha horyaalla, gaar ahaan dhammeystirka sharciyada mudnaanta u leh dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa xubnaha guddiga la wadaagtay muhiimadda gaarka ah ee uu leeyahay Kalfadhiga 8-aad, iyadoo xustay in ay Golaha horyaallaan ajandayaal iyo sharciyo muhiim u ah dhammaystirka geeddi-socodka dowlad-dhiska, tayeynta hay’adaha dowladnimada iyo dardargelinta horumarka dalka, waxayna sidoo kale xubnaha guddiga ku boorrisay in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in Golaha Shacabku si hufan u gutto waajibaadkiisa dastuuriga ah, ugana jawaabo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Get Goobjoog updates

From the comments