Goobjoog

Golaha Shacabka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Axdiga Dhallinyarada Afrika, Fursado Cusubna u Furaya Dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Axdiga Dhallinyarada Afrika (African Youth Charter), tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed,…

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Axdiga Dhallinyarada Afrika, Fursado Cusubna u Furaya Dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Axdiga Dhallinyarada Afrika (African Youth Charter), tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kor u qaadidda shaqo-abuurka, iyo ballaarinta doorkooda hoggaamineed ee horumarinta dalka.

Ansixinta axdigan ayaa la filayaa inay dhallinyarada Soomaaliyeed u horseeddo fursado badan oo dhinacyada shaqada, waxbarashada, iyo ka qeybgalka hoggaanka ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay ansixintani xambaarsan tahay waxaa ka mid ah:

Shaqo-abuur iyo Hal-abuur: Taageeridda mashaariicda horumarineed, kobcinta hal-abuurka, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub oo loogu talagalay dhallinyarada.

Ka Qaybgalka Hoggaanka: Xoojinta doorka dhallinyarada ee go’aan qaadashada siyaasadeed, maamulka, iyo dib u dhiska qaranka

iskuxirka Afrika: U fududeynta dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan deeqaha waxbarasho, tababarrada, iyo barnaamijyada khibrad-isweydaarsiga ee Midowga Afrika (AU).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ansixinta Axdiga Dhallinyarada Afrika ay ka tarjumeyso sida ay uga go’an tahay maalgelinta awoodda dhallinyarada, maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Horumarka dhallinyaradu waa horumarka qaranka, ayay Xukuumaddu ku adkeysatay, iyadoo xustay in dadaallada lagu dhisayo mustaqbal ifaya oo ay dhallinyaradu hormuud ka yihiin ay sii socon doonaan.

Get Goobjoog updates

From the comments