Goobjoog

Arrimaha Amniga

Wajiga Koowaad ee Wada-tashiyada AUSSOM oo ka Dhacay Addis Ababa iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee wada-tashiyada istaraatiijiga ah ee ku saabsan mustaqbalka joogitaanka hawlgalkiisa Soomaaliya, kaddib kulammo labo maalmood ah oo 22-kii iyo 23-kii Luulyo ka dhacay magaalada Addis Ababa, kuwaas oo lagu qiimeeyay wajiga xiga ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wada-tashiyadan ayaa daba socday kulankii 22-aad ee aan rasmiga ahayn ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, kaas oo qabsoomay 8-dii Luulyo, laguna go’aamiyay in la dhiso koox shaqo oo soo diyaarinaysa istaraatiijiyad ku saabsan mustaqbalka hawlgalka AUSSOM.

Wejiga koowaad ee wada-tashiyada ayaa isugu jiray kulammo farsamo oo ay ka qeyb-galeen wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hawlgalka AUSSOM, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika (UNOAU).

Sida uu sheegay Guddiga Midowga Afrika, kulammadan farsamo waxay diiradda ku saareen arrimaha saamaynta muhiimka ah ku leh mustaqbalka hawlgalka, sida hogaaminta iyo siyaasadda oo ay ka mid yihiin qorshaha kala-guurka iyo shuruudaha hirgelinta wajiga cusub.

Sidoo kale, waxaa si xeeldheer looga dooday maalgelinta, dhinaca sharciga, qaab-dhismeedka ciidanka, iyo taageerada farsamo ee loo baahan yahay, iyadoo dhanka kalena lagu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha hortaagan hannaanka amniga ee dalka Soomaaliya.

Habka wada-tashiga ayaa sidoo kale ka koobnaan doona kulan heer khubaro ah oo ay ka qeyb geli doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka ciidammada iyo booliiska ku leh AUSSOM, iyo xubnaha Guddiga Saraakiisha Militariga ee Midowga Afrika.

Natiijooyinka wada-tashiyada Addis Ababa ayaa loo gudbin doonaa shirarka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca iyo Booliiska, Wasiirrada Difaaca, iyo ugu dambeyn Shir Madaxeedka aan Caadiga ahayn ee dalalka ciidammada iyo booliiska ku leh AUSSOM, kaas oo lagu qaban doono magaalada Kampala 30-ka iyo 31-ka Luulyo, ka hor inta aan talooyinka loo gudbin hay’adaha go’aan qaadashada ee Midowga Afrika.

Get Goobjoog updates

From the comments