Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda hay’adaha ka shaqeeya sugidda amniga xuduudaha, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta tayada shaqaalaha, casriyeynta hababka maamulka xuduudaha, adkaynta amniga garoomada diyaaradaha iyo kobcinta iskaashiga dowladda Soomaaliya ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in sugidda amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha ay tahay tiir muhiim u ah amniga qaranka iyo la dagaallanka khataraha ka gudba xuduudaha.


From the comments