Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Kang Hyung-shik.
Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Shire.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay diiradda saareen xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badaha, horumarinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.


From the comments