Goobjoog

Arrimaha Amniga

Midowga Afrika oo wada-tashi ka billaabay mustaqbalka howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Qeybta Howlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (African Union Peace Support Operations Division) ayaa 24-kii Luulyo qabatay shir heer khubaro ah oo lagu falanqeeyay mustaqbalka ka-qaybgalka Midowga Afrika ee arrimaha…

Midowga Afrika oo wada-tashi ka billaabay mustaqbalka howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Qeybta Howlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (African Union Peace Support Operations Division) ayaa 24-kii Luulyo qabatay shir heer khubaro ah oo lagu falanqeeyay mustaqbalka ka-qaybgalka Midowga Afrika ee arrimaha amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

Shirka, oo uu guddoominayay Agaasimaha Qeybta Howlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika, Jeneraal Cheick Dembele, ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), dalalka ciidamada iyo booliiska ku biiriya howlgalka, Guddiga Saraakiisha Militariga ee Midowga Afrika, kooxda A3 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga aragtiyo iyo talooyin ku saabsan jihada uu qaadan doono howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo la eegayo xaaladda amni, dadaallada dowlad-dhisidda iyo qorshaha kala-guurka ee lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay ayaa sidoo kale falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni iyo horumar laga gaaro la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Midowga Afrika ayaa sheegay in shirkan uu qeyb ka yahay geeddi-socod istaraatiiji ah oo wada-tashi joogto ah, kaas oo lagu taageerayo go’aan ka gaarista qaabka iyo doorka uu Midowga Afrika mustaqbalka uga sii shaqeyn doono Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dalka iyo xaaladaha amni ee isbeddelaya.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu qiimeynayo mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sidii loo xaqiijin lahaa in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo taageero ka helaysa Midowga Afrika iyo beesha caalamka.

Get Goobjoog updates

From the comments

Midowga Afrika oo wada-tashi ka billaabay mustaqbalka howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya - Goobjoog