Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in madaxda dowlad-goboleedyada aan hadda ka dib loogu yeeri karin “Madaxweyneyaal”, balse loo adeegsan doono magaca “Hoggaamiye”, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka oo ka hadlayay caleema-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Goobta uu hadalkan ka sheegay Wasiir Cali Xoosh ayaa waxaa fadhiyay madaxda dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Hoggaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madax kale.
Dastuurka dhowaan la dhammaystiray ayaa si cad u qeexaya in madaxda dowlad-goboleedyadu yihiin “Hoggaamiyeyaal”, halka magaca “Madaxweyne” uu si gaar ah ugu xiran yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


From the comments