Goobjoog

Warar & Warbixino

Rabshado ka socda Koonfur Afrika iyo Soomaalida halkaas ku nool oo cabsi xoogan wajahaya

Rabshado iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta ayaa ka socda magaalooyinka Durban iyo Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo xaaladdani ay cabsi weyn ku abuurtay Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee halkaas ku nool.

Rabshado ka socda Koonfur Afrika iyo Soomaalida halkaas ku nool oo cabsi xoogan wajahaya

Rabshado iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta ayaa ka socda magaalooyinka Durban iyo Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo xaaladdani ay cabsi weyn ku abuurtay Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee halkaas ku nool.

Dibadbaxayaasha ayaa socod ku maray waddooyinka iyagoo sita calanka Koonfur Afrika, ulo iyo bakoorado, kuna baaqaya in dalka laga saaro muhaajiriinta aan haysan sharciyada degenaanshaha.

Cabsi laga qabo in dibadbaxyadu isu beddelaan rabshado ayaa sababtay in ganacsiyo badan albaabada la isugu dhufto, halka muhaajiriin badan ay guryahooda ku nagaadeen si ay uga fogaadaan khatar kasta.

Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa ka mid ah bulshada sida weyn uga walaacsan xaaladdan, maadaama ay horey dhowr jeer u la kulmeen weerarro lagu bartilmaameedsaday ganacsiyadooda iyo deegaannadooda xilliyadii ay dalkaasi ka dhaceen rabshadaha naceybka ajaaniibta.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ciidamada ammaanka ku daabushay goobaha ay dibadbaxyadu ka socdaan si looga hortago rabshado hor leh.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyay falalka rabshadaha iyo handadaadda ah, isagoo sheegay in arrimaha la xiriira socdaalka ay mas’uul ka tahay dowladda, islamarkaana aan loo oggolaan doonin in shacabka ay sharciga gacantooda ku qaataan.

Rabshadahan ayaa dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo weerarradii hore ee naceybka ajaaniibta, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray muhaajiriin badan, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu weli tahay mid kacsan, iyadoo Soomaalida iyo ajaaniibta kale ay si dhow ula socdaan sida ay xaaladdu isu beddesho.

Get Goobjoog updates

From the comments