Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo Soomaaliya, iyadoo ka digtay in boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalado nololeed oo aad u adag, gaar ahaan gobollada waqooyi ee dalka oo ay si ba’an u saameeyeen abaaraha.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin is biirsaday oo ay ka mid yihiin abaaro daran, fatahaado, hoos u dhaca maalgelinta gargaarka iyo colaadaha daba dheeraaday ay wiiqeen awoodda malaayiin qoys oo Soomaaliyeed ay ugu adkeysan lahaayeen xaaladaha adag.
Warbixintu waxay sheegtay in ku dhowaad 250,000 oo qof ay si toos ah u saameeyeen abaaraha, iyadoo bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha iyo meelaha fogfog ay yihiin kuwa ugu daran ee ay dhibaatadu haleeshay.
OCHA ayaa xustay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay codsanayaan gargaar degdeg ah, maadaama in ka badan 570,000 oo qof ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, halka ku dhowaad 1.5 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto.
Dhanka kale, Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund) ayaa kordhiyay taageerada uu siiyo degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, oo ka mid ah meelaha ay ka jirto halista macluusha. Sanduuqu wuxuu halkaas ku bixiyay 4.7 milyan oo doollar, oo ay ku jirto 2 milyan oo doollar oo dhowaan loo qoondeeyay xaaladda degdegga ah.
Sidoo kale, warbixintu waxay muujisay in nafaqo-darradu ay sii kordhayso, iyadoo in ka badan 400,730 carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an. Tiradaas waxaa ka mid ah 97,150 carruur ah oo xaaladdoodu aad u daran tahay iyo 303,580 carruur ah oo qaba nafaqo-darro dhexdhexaad ah.
OCHA ayaa sidoo kale ka digtay in adeegyada caafimaadka, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo adeegyada degdegga ah ee dhalmada, ay weli aad u xaddidan yihiin, gaar ahaan bulshada reer guuraaga ah. Intaa waxaa dheer, abaaraha ayaa saameyn ku yeeshay waxbarashada, iyadoo la sheegay in in ka badan 820 dugsi ay albaabada u xirmeen sababo la xiriira xaaladda abaarta.
Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka inay dedejiyaan taageerada loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago in xaaladda bani’aadannimo ay uga sii darto bilaha soo socda.
From the comments