Goobjoog

Warar & Warbixino

IMO oo ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo 44 badmaax oo lagu haysto biyaha Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga shaqeyso sii deynta 44 badmaax oo ay afduub ahaan ugu haystaan xeebaha Soomaaliya kooxa burcad-badeed ahi, iyadoo ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee maxaabiistaasi ay si weyn uga sii dareyso.

IMO oo ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo 44 badmaax oo lagu haysto biyaha Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga shaqeyso sii deynta 44 badmaax oo ay afduub ahaan ugu haystaan xeebaha Soomaaliya kooxa burcad-badeed ahi, iyadoo ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee maxaabiistaasi ay si weyn uga sii dareyso.

Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, oo ka hadlay shirka 137-aad ee Golaha IMO ee ka socda magaalada London, ayaa sheegay in badmaaxiintaasi ay bilo badan ku jiraan gacanta afduubayaasha, isla markaana ay wajahayaan cunto iyo biyo yari ba’an, iyagoo sidoo kale maalin kasta la kulmaya khataro amni iyo hanjabaado rabshado.

Badmaaxiinta la haysto ayaa saarnaa saddex markab oo kala ah MT Honour 25, Eureka iyo Sward, kuwaas oo lagu afduubtay weerarro kala duwan oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed intii u dhexeysay bilihii Abriil iyo May ee sanadkan.

Dominguez ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay muujinayaan in halista burcad-badeednimada iyo weerarrada hubeysan ee ka dhanka ah maraakiibta aysan weli dhammaan, isagoo ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah IMO iyo dhammaan daneeyayaasha gaadiidka badda inay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo sii deynta badbaado leh ee shaqaalaha la afduubtay.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay milkiilayaasha maraakiibta iyo shirkadaha maraakiibta inay adkeeyaan tallaabooyinka amniga, iyagoo hirgelinaya habraacyada ugu wanaagsan ee ilaalinta amniga badaha iyo qiimeyn dhammaystiran oo khataraha ah ka hor inta aysan maraakiibtu marin goobaha khatarta badan.

Digniinta IMO ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sare u kaceen weerarrada burcad-badeedda iyo kooxaha hubeysan ee lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Hay’addu waxay sheegtay in saddexdii bilood ee u dambeeyay la diiwaangeliyay 24 weerar oo isugu jira kuwo la isku dayay iyo kuwo lagu guuleystay, iyadoo weeraryahannadu ay adeegsanayaan hub culus iyo rabshado sii kordhaya.

Warbixinta IMO ayaa sidoo kale muujisay in guud ahaan caalamka dhacdooyinka burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee badda ay kordheen 17 boqolkiiba intii u dhexeysay 2024 iyo 2025, iyadoo tiradu ka kacday 146 dhacdo una gaartay 171 dhacdo.

IMO ayaa sheegtay inay sii waddo taageerada dadaallada lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyada oo loo marayo Xeerka Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo Wax-ka-beddelka Jeddah, kuwaas oo mideeya 22 dal oo ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed si loo xoojiyo iskaashiga amniga badda iyo awoodda gobolka ee ka jawaabista khataraha.

Get Goobjoog updates

From the comments