Goobjoog

Warar & Warbixino

Duqa magaalada St. Louis Park ee dalka Mareykanka oo ka jawaabtay hadal-heyn ka dhalatay booqashadii ay dhowaan Soomaaliya ku timid

Duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, Naadiya Maxamed, ayaa ka jawaabtay dhaleeceyn loo jeediyay kadib booqasho ay ku timid Soomaaliya, taasoo ku soo aaday xilligii dabaaldegga maalinta xorriyadda Mareykanka ee 4-ta Luulyo.

Duqa magaalada St. Louis Park ee dalka Mareykanka oo ka jawaabtay hadal-heyn ka dhalatay booqashadii ay dhowaan Soomaaliya ku timid

Duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, Naadiya Maxamed, ayaa ka jawaabtay dhaleeceyn loo jeediyay kadib booqasho ay ku timid Soomaaliya, taasoo ku soo aaday xilligii dabaaldegga maalinta xorriyadda Mareykanka ee 4-ta Luulyo.

Maamulka magaalada St. Louis Park ayaa sheegay in safarku aanu la xiriirin howlaha dowladda hoose, isla markaana Naadiya Maxamed ay iyadu iska bixisay dhammaan kharashaadka safarka.

Intii ay ku sugnayd Muqdisho, Naadiya Maxamed ayaa ka qeybgashay kulamo iyo munaasabado kala duwan, waxaana kamid ahaa kulan ay la yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan bulshada, iyadoo booqatay qaar kamid ah jaamacadaha dalka.

Naadiya ayaa sheegtay in safarku ahaa mid gaar ah oo qoys, ayna isticmaashay fasaxeeda shaqada si ay u booqato ehelkeeda oo aysan arag muddo 10 sano ah.

Muuqaal ay dhowaan ku baahisay barta X ayay Naadiya Maxamed si dhiiranaan leh ugu jawaabtay dadka dhaliilay safarkeeda, iyadoo sheegtay inay ahayd wax aan caadi ahayn in lagu eedeeyo inay fasax u isticmaashay booqashada qoyskeeda.

Waxay tiri inay lix sano u adeegaysay shacabka St. Louis Park, ayna waqtigeeda fasaxa u isticmaashay inay booqato ayeeyadeed.

Naadiya Maxamed ayaa sidoo kale ka hadashay kulankeedii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sheegtay inuusan ahayn markii ugu horreysay ee ay la kulanto hoggaamiye ajnabi ah. Waxay xustay inay hore ula kulantay madaxweynihii hore ee Switzerland, balse aysan markaas la kulmin isla heerka su’aalaha iyo dhaleeceynta.

Waxay sheegtay in qaar kamid ah dadka dhaliilaya safarkeeda ay ka faa’iideystaan hadallada ka dhanka ah Soomaalida si ay u helaan daawasho iyo dareen baraha bulshada.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa dhawaan cambaareeyay hadallo ay sheegeen inay kicinayaan naceyb ka dhan ah Soomaalida iyo Muslimiinta, kadib qoraal uu baraha bulshada ku baahiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo lagu soo bandhigay carruur dhigata xannaano ku taal Minnesota, kuwaas oo ay ku jireen carruur Soomaaliyeed oo xijaaban.

Get Goobjoog updates

From the comments