Inta badan xarumaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso ayaa maanta albaabada loo laabay, kaddib markii ganacsatadu ay bilaabeen mudaharaad ay uga soo horjeedaan xirnaanshaha dekedda Boosaaso iyo cashuur kordhin ay sheegeen inay Puntland ku soo rogtay badeecadaha.
Sida ay sheegeen ganacsatada, dekedda Boosaaso ayaa xiran muddo ka badan toban maalmood, arrintaas oo saameyn ballaaran ku yeelatay isu socodka badeecadaha iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga guud ahaan Puntland iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Ganacsatadu waxay ku doodayaan in cashuurta cusub ee lagu soo rogay badeecadaha ay afar-jibbaar ka badan tahay tii hore, taas oo ay ku tilmaameen culays dheeraad ah oo kusoo beegmay xilli ay shacabka Soomaaliyeed horeyba u wajahayeen dhaqaale-xumo iyo sicir-barar.


From the comments