Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania ayaa si rasmi ah u unkay weji cusub oo is dhexgal diblomaasiyadeed ah, ka ka dib markii ay magaalada Nouakchott ku kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo dhabaha u xaaraya dhismaha Guddi Wadajir ah oo Iskaashi (Joint Cooperation Committee).
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay dalalka qaaradda Afrika.
Heshiiskan dhaxal-galka ah waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo labada dhinac ah, waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), halka dhanka Mauritania uu u saxiixay dhiggiisa Maxamed Saalim Walad Marzuuq.
Ka sokow guddiga iskaashiga, labada mas’uul waxay si wadajir ah u kala saxiixdeen laba is-afgarad (MoUs) oo kale, kuwaas oo si gaar ah diiradda u saaraya dardargelinta wada-tashiyada siyaasadeed iyo casriyeynta tababarrada saraakiisha diblomaasiyadda.
Guddiga Wadajirka ah ee la dhisay ayaa noqon doona bar-bilow rasmi ah iyo marin joogto ah oo loo maro qorsheynta, dabba-galka, iyo meel-marinta mashaariicda muhiimka ah ee labada qaran ay wadaagaan.
Suxufiyiinta la socota dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in iskaashigan cusub uu albaabada u furi doono xiriir qoto dheer oo ku aaddan amniga, la dagaallanka falalka argagixisada, maalgashiga tamarta, batroolka, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badaha sida kalluumeysiga.
Booqashadan oo noqotay tii ugu horreysay ee wafdi heer wasiir ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku tagaan dalka Mauritania, ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo u soo hoyatay diblomaasiyadda rasmiga ah ee dalka.
Wasiiru-dowle Cali Balcad ayaa muujiyay rajo muhiim ah oo ku aaddan natiijada kulamada, isagoo hoosta ka adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in heshiisyadan loo beddelo barnaamijyo dhab ah oo laga dareemo nolosha labada shacab ee walaalaha ah.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania, Maxamed Saalim Walad Marzuuq, ayaa isna bogaadiyay go’aanka geesinnimada leh ee labada dhinac, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Mauritania ay leeyihiin fursado aad u ballaaran oo dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ah.
Wuxuu tilmaamay in xilligan la joogo waqtigii si wadajir ah looga faa’iideysan lahaa kartida iyo kheyraadka labada dal si loo gaaro horumar isku-dhafan oo waara.
From the comments