Goobjoog

TAARIIKHDA SHAKHSIGA

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo ku Geeriyooday dalka Faransiiska

Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday subaxnimadii Khamiista, sida ay xaqiijisay dawladda dalkaasi, asagoo ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo ku Geeriyooday dalka Faransiiska

Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday subaxnimadii Khamiista, sida ay xaqiijisay dawladda dalkaasi, asagoo ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Maxamed Kaamil ayaa tacsi u diray qoyskiisa wasiirka, ciidamada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka dalkaas.

Bayaan kasoo baxay xukuumadda laguma sheegin sababta geerida wasiirka, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan inuu ahaa masuul qaran oo daacad u ahaa dalkiisa, saaxiib lagu kalsoonaan karo, isla markaana si weyn ugu adeegay dowladda iyo ciidamada qalabka sida.

Cabdulqaadir Maxamed Kaamil ayaa sheegay in geerida wasiirku ay ka tagtay “farqi weyn” oo laga dareemayo dowladda iyo hay’adaha amniga, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Jabuuti.

Marxuum Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga hayay tan iyo May 2019, waxaana mar kale loo magacaabay xilkaas kadib isku shaandhayn golaha wasiirrada ah oo dhacday May 2026.

Mudadii uu xilka hayay, wuxuu ka shaqeeyay horumarinta iyo maareynta ciidamada Jabuuti, isagoo sidoo kale door muuqda ku lahaa xoojinta iskaashiga difaac ee dalka la leeyahay waddamada gobolka iyo kuwa caalamka.

Wuxuu ka qaybgalay shirar badan oo amniga gobolka ah, waxaana uu kulamo la yeeshay masuuliyiin ajnabi ah oo ay ku jireen madax ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka si looga wada hadlo arrimaha amniga Geeska Afrika.

Jabuuti oo ku taalla marin istiraatiiji ah oo laga galo Badda Cas, ayaa martigelisa saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin dalal dhowr ah sida Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga, taas ayaana ka dhigaysa Wasaaradda Gaashaandhigga mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee saameeya amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Ilaa hadda dowladda Jabuuti ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta geerida wasiirkan muhiimka ah, balse xogaha qaar ayaa sheegaya inuu muddooyinkii dambe xanuunsanaa.

Get Goobjoog updates

From the comments