Goobjoog

TAARIIKHDA SHAKHSIGA

Waa kuma Lamine Yamal: Xiddigga 19 jirka ah ee Noqday Halyeyga Kubadda Cagta Adduunka ?

Lamine Yamal Nasraoui Ebana weeraryahanka garabka midig ee kooxda FC Barcelona ayaa noqday shakhsiga ugu hadal-haynta badan dunida, kadib markii uu wacdare aan horay loo arag ka dhigay ciyaartii ugu Final-ka ahayd ee Spain iyo Argentina.

Waa kuma Lamine Yamal: Xiddigga 19 jirka ah ee Noqday Halyeyga Kubadda Cagta Adduunka ?

Lamine Yamal Nasraoui Ebana weeraryahanka garabka midig ee kooxda
FC Barcelona ayaa noqday shakhsiga ugu hadal-haynta badan dunida, kadib markii uu wacdare aan horay loo arag ka dhigay ciyaartii ugu Final-ka ahayd ee Spain iyo Argentina.

19-jirkan asal ahaan ka soo jeeda dalka marooko ayaa loo aqoonsansaday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan kubadda cagta dunida, wuxuuna ka guulaystay kooxda Argentina oo haysta goolyaheyaasha iyo weeraryahannada ugu saameynta badan dunida.

Inkastoo uu weli yahay ciyaaryahan da’yar, haddana wuxuu durba galay taariikhda, isagoo jabiyay rikoorro badan, isla markaana door weyn ka qaatay guulaha kooxdiisa Barcelona iyo xulka qaranka Spain.

Lamine Yamal wuxuu dhashay 13-kii Luulyo 2007-dii, asagoo ku dhashay  magaalada Esplugues de Llobregat ee dalka Spain, waxaana iska dhalay aabe iyo hooyo ka soo kala jeeda Morocco iyo Equatorial Guinea.

Wuxuu kasoo baxay akadeemiyadda caanka ah ee La Masia, oo soo saartay halyeeyo badan sida Lionel Messi, Xavi Hernández iyo Andrés Iniesta.

Asagoo aad u da’yar ayay hibadiisu si degdeg ah u soo muuqatay, taasoo sababtay in loo dalacsiiyo kooxda koowaad ee Barcelona oo xalay qaatay guusha koobka adduunka ee 2026.

Markii uu ku biiray kooxda koowaad ee Barcelona sanadkii 2023, Yamal wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee kooxda u safta kulamo rasmi ah.

Wuxuu si degdeg ah u kasbaday kalsoonida tababarayaasha iyo taageerayaasha, isagoo caan ku noqday xawaaraha, farsamada sare, kubbad laadka saxda ah iyo awoodda uu ku abuuro fursado halis ah.

Intii uu joogay Barcelona, Lamine Yamal wuxuu noqday mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan kooxda, wuxuuna kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka La Liga, Copa del Rey iyo Supercopa de España, isagoo door muuqda ka qaatay safarka guulahaas.

Wacdareyaashii cajiibka ahaa waxay sidoo kale horseedeen inuu noqdo ciyaaryahanka ugu da’da yar ee loo magacaabo abaal-marinta Ballon d’Or.

Sannadihii xigay wuxuu ku guuleystay laba jeer oo xiriir ah abaal-marinta Kopa Trophy, taas oo la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan da’da yar dunida.

Dhinaca xulka qaranka Spain, Lamine Yamal wuxuu taariikh sameeyay markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee u ciyaara xulkan waaweyn, isla markaana gool u dhaliya.

Wuxuu kaalin weyn ka qaatay guushii Spain ka gaartay Koobka Qaramada Yurub ee UEFA Euro 2024, halkaas oo uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ka ciyaara, gool ka dhaliya isla markaana gaara final-ka tartanka.

Waxqabadkiisa cajiibka ah wuxuu ku mutaystay abaal-marinta Young Player of the Tournament, taas oo la guddoonsiiyo ciyaaryahanka da’da yar ee ugu fiicnaa tartanka.

Sanadkii 2026, Lamine Yamal wuxuu sii xoojiyay sumcaddiisa markii uu ka mid noqday xulka Spain ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee FIFA World Cup.

Tartankaas wuxuu noqday koobkiisii ugu horreeyay ee adduunka, isagoo door muhiim ah ka qaatay safarkii Spain ku hanatay horyaalkeedii labaad ee Koobka Adduunka.

Marka laga hadlayo qaab ciyaareedkiisa, Lamine Yamal waxaa lagu tilmaamaa garab weerar oo leh farsamo heer sare ah, kubbad wadis adag, baasas hal-abuur leh iyo geesinimo uu ku wajaho difaacyada adag.

Inkastoo uu weli ku jiro bilowga xirfaddiisa, haddana Yamal wuxuu horey u urursaday rikoorro badan, koobab waaweyn iyo abaal-marinno caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee Lamine Yamal maanta ma aha oo kaliya xiddig soo baxay, balse waa ciyaaryahan si buuxda uga dhex muuqday masraxa kubadda cagta adduunka.

Get Goobjoog updates

From the comments

Waa kuma Lamine Yamal: Xiddigga 19 jirka ah ee Noqday Halyeyga Kubadda Cagta Adduunka ? - Goobjoog