Geerida Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani, ayaa dib u soo nooleysay xusuusta kaalintii uu ku lahaa taageerada shacabka Falastiin, gaar ahaan Marinka Gaza.
Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Carbeed ee si rasmi ah u booqda Gaza xilli ay saarneyd go’doomintii adag ee Israa’iil.
Booqashadii taariikhiga ahayd ee uu ku tagay Gaza bishii Oktoobar 2012, oo ay ku wehlinaysay xaaskiisa Sheekha Moza bint Naasir iyo wafdi heer sare ah, ayaa ahayd tallaabo geesinimo leh oo jebisay go’doomintii siyaasadeed ee lagu hayay marinka.
Hoggaamiyaha Xamaas ee dibadda, Khaalid Mashcal, ayaa sheegay in Sheekh Xamad uu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Carbeed iyo Muslimba ee booqda Gaza xilligii ugu adkaa, isagoo ku tilmaamay nin mabda’ leh oo garab istaagay shacabka Falastiin.
Intii lagu jiray booqashadaas, Amiirkii hore wuxuu kordhiyay deeqdii Qatar ee dib u dhiska Gaza, isagoo ka dhigay 400 milyan oo doolar, taasoo lagu maalgeliyay mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin guryo, waddooyin, xarumo caafimaad iyo kaabayaal kale oo kumannaan qof ka faa’iideysteen.
Taageerada Sheekh Xamad ee Falastiin waxay soo bilaabatay sannado ka hor go’doominta Gaza, waxaanq sannadkii 1999-kii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Khaliijka ee booqda dhulka Falastiin tan iyo 1967, isagoo la kulmay madaxweynihii hore ee Falastiin, Yaasir Carafaat.
Sidoo kale, intii uu socday dagaalkii Gaza ee 2008–2009, Sheekh Xamad wuxuu ku baaqay shir degdeg ah oo Carbeed oo lagu taageerayo Gaza, isagoo soo jeediyay sanduuq dib u dhis ah iyo marin badeed lagu jebiyo go’doominta.
Dhanka kale mashaariic badan ayay Qatar ka hirgelisay Gaza, sida Magaalada Sheekh Xamad ee Khan Yuunis iyo Isbitaalka Sheekh Xamad ee Dhaqan-celinta iyo Lugaha Macmalka, kuwaas oo noqday astaamo muuqda oo muujinaya kaalintii Qatar.
Inkastoo qaar badan oo ka mid ah kaabayaashaas ay burbureen dagaalladii xigay, haddana isbitaalka ayaa weli sii wada adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.
Dhaxalka Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani ayaa weli si weyn looga xusuustaa Gaza, iyadoo dad badan ay u arkaan inuu ahaa hoggaamiye si muuqata uga horyimid go’doominta isla markaana taageero wax ku ool ah u fidiyay shacabka Falastiin.
From the comments