Howlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka Oktoobar 2026 si rasmi ah u soo afjaray howlihiisii dalka, kaddib markii la dhammaystiray muddadii labada sano ahayd ee qorshaha kala-guurka.
Xiritaanka howlgalka ayaa ku yimid codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2753 (2024) iyo 2809 (2025), kuwaas oo saldhig u ahaa dhismaha iyo habraacyada kala-guurka ee howlgalka.
Markii uu dhammaaday waajibaadkii UNTMIS, mas’uuliyadihii uu hayay waxaa loo wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kale ee Qaramada Midoobay.
Tallaabadani waxay soo afjareysaa marxalad dheer oo ka badan 13 sano ah oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ku lahayd howlgal siyaasadeed oo gaar ah, kaas oo door ku lahaa taageerada nabad-dhiska, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta, geeddi-socodka dastuurka iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaadka UNTMIS macnaheedu ma aha in Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba ka baxday Soomaaliya. Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta ayaa sii wadi doona howlahooda, halka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu sii wadi doono taageerada saadka ee Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo ciidamada Soomaaliyeed ee fulinaya hawlgallada wadajirka ah.
Xiritaanka howlgalka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado siyaasadeed oo la xiriira dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashooyinka, awood-qaybsiga iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.
Dhammaadka UNTMIS wuxuu sidoo kale ka dhigan yahay in Soomaaliya aysan hadda lahayn howlgal siyaasadeed oo gaar ah oo Qaramada Midoobay ka fuliso dalka, taas oo mas’uuliyad dheeraad ah saareysa hay’adaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada wadahadalka siyaasadeed, dib-u-heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, dib-u-heshiisiinta, xoojinta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Guterres ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay taageero caalami ah oo lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo hirgelinta qorshaha kala-guurka amniga.
Soo afjaridda UNTMIS ayaa Soomaaliya u furaysa marxalad cusub oo lagu tijaabin doono awoodda hay’adaha qaranka ee maaraynta arrimaha siyaasadeed, xalinta khilaafaadka iyo sii wadidda horumarka dowlad-dhiska, iyadoo mas’uuliyado badan oo uu howlgalka Qaramada Midoobay taageeri jiray ay hadda si toos ah ugu wareegayaan dhinacyada Soomaaliyeed.
From the comments