Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, xilli uu dhammaanayo howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee dalka, kaas oo muddo ka badan 13 sano ka shaqeynayay arrimaha nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Howlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo afjaraya howlihiisa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026, taas oo soo afjareysa marxalad dheer oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ku lahayd howlgal siyaasadeed oo gaar ah.
Guterres ayaa sheegay in dhammaadka howlgalkaasi uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba ka baxayso Soomaaliya, balse ay sii wadi doonto taageerada ay dalka siiso, iyadoo adeegsanaysa hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kala duwan ee Qaramada Midoobay.
Wuxuu tilmaamay in taageerada mustaqbalka ay xoogga saari doonto nabadda, xasilloonida, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumar waara, iyadoo lala shaqeynayo dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
Xoghayaha Guud ayaa ammaanay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli jiraan caqabado dhinacyada amniga, siyaasadda, bani’aadannimada iyo horumarka.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in taageerada caalamiga ah la sii xoojiyo si loo ilaaliyo guulaha la gaaray, loo hormariyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, dib-u-heshiisiinta, dhismaha hay’adaha dowladda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Howlgalkan ayaa soo afjaraya marxalad siyaasadeed oo soo bilaabatay sannadkii 2013-kii, markaas oo la aas-aasay Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo door muhiim ah ka qaatay taageerada nabad-dhiska, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.
UNSOM ayaa markii dambe lagu beddelay UNTMIS, iyadoo isbeddelkaasi qayb ka ahaa qorshe loogu talagalay in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadaha siyaasadeed iyo maamulka dowladnimadeeda.
UNTMIS waxaa la aas-aasay iyadoo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753, kaas oo soo baxay sannadkii 2024, halka qaraarka 2809 ee 2025 uu wax ka qabtay habraacyada iyo qorshaha kala-guurka howlgalka.
Xiritaanka howlgalka ayaa yimid kaddib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaystirka muddadii labada sano ahayd ee kala-guurka.
Guterres ayaa mahadcelin u jeediyay dhammaan shaqaalihii ka howlgalay UNTMIS iyo howlgalladii ka horreeyay, isagoo si gaar ah u xusay shaqaalihii Qaramada Midoobay ee naftooda ku waayay gudashada waajibaadkooda ee Soomaaliya.
Dhammaadka howlgalka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka dowladnimada, awood-qaybsiga iyo xiriirka Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.
Sidoo kale, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wax ka qabashada baahiyaha bani’aadannimo ayaa weli ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda Soomaaliya.
Inkasta oo howlgalkii gaarka ah ee siyaasadeed uu dhammaanayo, haddana Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa howlaha gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo taageerada hay’adaha dowladda, taas oo muujinaysa in isbeddelku yahay qaabka ay Qaramada Midoobay Soomaaliya ula shaqeyso, balse uusan ahayn ka bixitaan buuxa oo dalka ah.
Baaqan Guterres ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho taageero diblomaasiyadeed iyo mid caalami ah, xilli ay isu diyaarinayso marxalad cusub oo ku saabsan dhismaha dowladnimada iyo la wareegidda mas’uuliyadaha siyaasadeed iyo amni.
From the comments