Hoggaamiyaha maamulka Waqooyigalbeed ayaa safar qar-iska-tuurnimo ah ku tegay Israa’iil. Socdaalkan oo ku soo aaday xilli xaaladda Bariga Dhexe ay marayso marxalad aad u xasaasi ah, isla markaana dagaallada iyo loollanka juqraafi-siyaasadeed ee gobolka ay sii xoogaysanayaan, ayaa dhalin kara cawaaqib siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo ka ballaaran inta maanta muuqata. Inkastoo taageerayaashu u arki karaan tallaabo lagu raadinayo danaha siyaasadeed ee maamulka, haddana waxaa jira su’aalo waaweyn oo ku saabsan kharashka iyo khatarta ay tallaabadani xambaarsan tahay.
Haddaba, maxaa ka dhalan kara?
- Go’doon Buuxa oo ka Dhasha Caalamka Islaamka iyo Carabta
Booqashadan waxay dhaawac weyn u geysan kartaa xiriirka iyo dareenka is-garab-taagga ee Somaliland ay muddo ka heli jirtay qaar ka mid ah waddamada Carabta iyo Islaamka, gaar ahaan dalalka qaniga ah ee Khaliijka sida Qatar iyo Sacuudiga, iyo sidoo kale quwadaha gobolka sida Masar oo si adag u taageera qaddiyadda Falastiin. Tani waxay yareyn kartaa fursadaha iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee ay mustaqbalka ka heli karto dunida Islaamka.
- Fursad Dahabi ah oo la Siiyay Kooxaha Xagjirka ah
Tallaabadani waxay siin kartaa kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab, qalab borobagaando oo xooggan. Kooxuhu waxay u adeegsan karaan arrintan inay ku xoojiyaan sheekooyinka ay bulshada ku qanciyaan, iyagoo maamulka Hargeysa ku tilmaamaya “gacanyarayaal shisheeye” ama “wakiillo dano qalaad.” Taasi waxay kordhin kartaa khatarta amni iyo suurtagalnimada weerarro ama abaabul cusub oo ka dhaca deegaannadaas.
- Sii Fogaanshaha Midnimada Soomaaliyeed
Socdaalkani wuxuu sii adkayn karaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, isagoo meesha ka saaraya kalsooni kasta oo ku saabsan wadahadallada mustaqbalka. Waxa kale oo uu sii xoojin karaa aragtida ah in labada dhinac ay u socdaan jihooyin iska soo horjeeda, taas oo sii fogayn karta xal siyaasadeed oo taabbagal ah.
- Khayaaliga Aqoonsi-beenaadka ee aan Sharciga ku Dhisnayn
Israa’iil uma muuqato awood ama diyaar-garow ay ugu hurayso danaha istiraatiijiyadeed ee ay leedahay si ay ugu ololeyso aqoonsi ballaaran oo Somaliland ka hesho Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay. Sidaas darteed, booqashadani waxay halis ugu jirtaa inay ku ekaato sawirro, kulammo iyo war-saxaafadeedyo aan dhalin natiijo sharciyeed ama diblomaasiyadeed oo la taaban karo. Aqoonsiga caalamiga ahi wuxuu ku yimaadaa heshiisyo iyo is-afgaradyo heer gobol iyo heer caalami ah, mana aha mid lagu helo booqashooyin astaan ahaan uun u muuqda.
- Adeegsiga Istiraatiijiyadeed ee Israa’iil (Asymmetric Benefit)
Kulankan waxa laga yaabaa in faa’iidada ugu weyn ay hesho Israa’iil, oo danaynaysa ballaarinta saameynteeda gobolka Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Xaaladdan, Israa’iil waxay heli kartaa marin siyaasadeed, xog-ogaalnimo iyo saameyn istiraatiiji ah iyadoo aan bixin kharash muuqda oo siyaasadeed ama dhaqaale, halka dhinaca kale uu qaadayo culayska ka dhalan kara falcelinta gobolka, cadaadiska diblomaasiyadeed iyo khataraha amni.
Gabagabadii, xilli gobolka Bariga Dhexe uu ku jiro xaalad kacsan, tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed waxay u baahan tahay dhiraandhirin iyo miisaamid xeeldheer. Haddii aan si ka-fiirsasho leh loo oddorosin faa’iidada iyo khasaaraha ka dhalan kara, safarka qar-iska-xoornimada ah ee maantana loo arko guul siyaasadeed, wuxuu berri isu rogi karaa culays diblomaasiyadeed, amni iyo mid sumcadeed oo muddo dheer saamayn ku yeesha mustaqbalka maamulka iyo shacabka uu matalo hoggaamiyaha xaqiiqadu ka daahantahay ee Cirro.
From the comments