Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

Maxay ka qabaan Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya falka lagu aflagaadeynayo calanka dal shisheeye?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku kaceen fal lagu aflagaadeynayay calanka Mareykanka, kaddib markii uu muuqaalkaasi si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo tallaabadaasi ay soo…

Maxay ka qabaan Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya falka lagu aflagaadeynayo calanka dal shisheeye?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku kaceen fal lagu aflagaadeynayay calanka Mareykanka, kaddib markii uu muuqaalkaasi si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo tallaabadaasi ay soo dhaweysay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Marka laga eego dhinaca sharciga Soomaaliya, falka lagu gubayo, lagu jeexayo ama lagu aflagaadeynayo calanka dal shisheeye oo Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la leh waxa uu noqon karaa dembi ciqaab leh.

Qodobka 228-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ayaa dhigaya in qof kasta oo si ula kac ah u caaya, u dhaawaca ama u gefa calanka ama astaanta rasmiga ah ee dowlad shisheeye oo ay Soomaaliya aqoonsan tahay, uu muteysan karo xabsi gaaraya laba sano.

Qodobkan ayaa ujeeddadiisu tahay ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ixtiraamka astaamaha qaran ee dowladaha kale, si looga fogaado falal keeni kara xiisad ama dhaawac ku yimaada xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibada la ah.

Sidoo kale, Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu dowladda siinayaa waajibaadka ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed, fulinta heshiisyada caalamiga ah iyo dhowrista sumcadda iyo danaha qaranka ee Soomaaliya ee heer caalami. Sidaas darteed, dowladda ayaa leh awoodda iyo mas’uuliyadda inay tallaabo ka qaaddo falalka wax u dhimi kara xiriirka dibadda ee dalka.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka noocan oo kale ah ay dhaawacayaan xiriirka labada dal, iyadoo xustay in Mareykanku uu Soomaaliya ku taageeray gargaar bani’aadamnimo, mid horumarineed iyo taageero amni oo balaayiin doollar lagu qiyaaso sannadihii la soo dhaafay.

Safaaraddu waxay sidoo kale ammaantay tallaabada degdegga ah ee ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo qabtay shaqsiyaadka ku lugta lahaa falkaasi, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in lala xisaabtamo cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Get Goobjoog updates

From the comments