Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

Hoggaamiyihii Dhisay Qatar-ta Casriga ah oo geeriyooday

Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aal Thaani, Amiirkii hore ee Dowladda Qatar iyo Amiirka Aabbaha, ayaa geeriyooday maanta oo ku beegan 12-ka Luulyo 2026, isagoo jiray 74 sano. Dowladda Qatar ayaa…

Hoggaamiyihii Dhisay Qatar-ta Casriga ah oo geeriyooday

Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aal Thaani, Amiirkii hore ee Dowladda Qatar iyo Amiirka Aabbaha, ayaa geeriyooday maanta oo ku beegan 12-ka Luulyo 2026, isagoo jiray 74 sano.

Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah u shaacisay geeridiisa, hase yeeshee ma aysan faahfaahin sababta dhimashada.

Sheekh Xamad wuxuu ku dhashay magaalada Doha sanadkii 1952, wuxuuna waxbarasho ciidan ku soo qaatay kulliyadda caanka ah ee Royal Military Academy Sandhurst ee dalka Boqortooyada Ingiriiska. Ka dib wuxuu ku biiray ciidamada Qatar isaga oo qabtay xilal kala duwan oo ciidan iyo dowladeed.

27-kii Juun 1995 ayuu noqday Amiirka Dowladda Qatar, isagoo hoggaamiyay dalka muddo 18 sano ah ilaa uu xilka si iskiis ah ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiirka hadda talada haya ee Sheekh Tamiim Bin Xamad Aal Thaani, sanadkii 2013.

Tallaabadan ayaa ahayd mid aan caadi ka ahayn dalalka Khaliijka, maadaama uu si nabad ah awoodda ugu wareejiyay jiilka xiga.

Intii uu talada hayay, Sheekh Xamad wuxuu Qatar ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida, isaga oo si weyn u maalgeliyay gaaska dabiiciga ah, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxa kale oo lagu xusuustaa aasaaska warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera, ballaarinta Qatar Airways iyo dejinta himilada horumarineed ee 2030.

Dadka reer Qatar iyo madaxda caalamka ayaa ku tilmaamay Sheekh Xamad inuu ahaa hoggaamiye aragti dheer leh oo door weyn ku lahaa kor u qaadista magaca iyo saameynta Qatar ee gobolka iyo caalamka.

Geeridiisa ayaa lagu tilmaamay dhammaadka xilli muhiim ah oo ka mid ahaa taariikhda casriga ah ee dalka Qatar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Aal Thaani, qoyska reer Aal Thaani iyo guud ahaan shacabka walaalaha ah ee Qatar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay la wadaagayso Dowladda iyo shacabka Qatar murugada ka dhalatay geerida hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, isagoo xusay doorkii weynaa ee uu ku lahaa horumarka iyo casriyeynta Qatar.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Amiirka Dowladda Qatar, qoyska boqortooyada iyo shacabka Qatar geerida ku timid Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aal Thaani. Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu ku mannaysto naxariistiisa janno, qoyskiisa iyo shacabka Qatarna uu siiyo samir iyo iimaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Get Goobjoog updates

From the comments