MOGADISHU, Goobjoog – Warbixin gaar ah oo la soo saaray ayaa muujinaysa in guud ahaan dalka Soomaaliya uu ka bilowday isbeddel aamusnaan ah oo dib loogu dhisayo kaabayaashii waxsoosaarka dalka, kuwaas oo burburay intii uu socday khilaafkii iyo dagaalladii sokeeye ee tobannaanka sano qaatay.
Isbeddelkan cusub oo aan ahayn oo kaliya dib u jaleecidda xubnihii hore ee waxsoosaarka dalka, ayaa hadda isu beddelay hal-abuur cusub oo ku dhisan adkeysi, maalgashi gaar loo leeyahay, adeegsiga teknoolojiyadda, iyo go’aan adag oo ah in dalka gudihiisa lagu soo saaro inta badan badeecadaha ay dadka Soomaaliyeed isticmaalaan.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dawladda iyo maalgashatada, Soomaaliya hadda kuma koobna oo kaliya soo kabasho dhanka amniga ama ganacsiga caadiga ah, balse waxay dadaal ugu jirtaa dibudhiska aasaaska waxsoosaarka dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ka hadlay arrintan, ayaa yiri: “Ilaa hadda waxaan guud ahaan dalka Soomaaliya ka diiwaangelinnay in ka badan 200 oo warshadood. Warshadahani waxay isugu jiraan kuwa soo saara biyaha, birta, saliidda cuntada, hilibka iyo kaluunka, caanaha, agabka beeraha, iyo milixda [cusbada].”
Inkasta oo tiradan laga yaabo inay yartahay marka loo eego halbeegyada caalamiga ah, haddana marka la eego xaaladda Soomaaliya waxay ka dhigantahay isbeddel weyn iyo soo laabashada waaxyihii warshadaha ee mar ahaa tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha qaranka.
Taariikhda iyo Maanta: Halka ay wax ka beddeshasy
Ka hor burburka Dawladdii Dhexe ee 1991kii, warshaduhu waxay xudun u ahaayeen nolol maalmeedka dalka. Magaalada Muqdisho, Jowhar, Kismaayo, Hargeysa, Berbera, Baydhabo, iyo Burco waxay ahaayeen aagag warshadeed oo ay ka yeeri jireen dhawaqa mashiinnada iyo qalabka wax lagu farsameeyo.
Warshadihii sonkorta, dharka, hargaha iyo saamaha, qalabka dhismaha sida sibidhka, iyo kuwii baakadeynta cuntada ayaa dabooli jiray baahida suuqa gudaha, iyadoo xilligaas weerta ah “Made in Somalia” (lagu sameeyay Soomaaliya) ay ahayd mid si caadi ah looga dhex helo guryaha Soomaaliyeed.
Hadda, dhiirrigelinta dhabta ah ee ka danbaysa soonoolaynta warshadaha dalka ma aha mid dawladeed sidii waagii hore, balse waxay ku dhalatay iskudarka hal-abuurka ganacsatada gudaha, maalgashiga jaaliyadda qurbajoogta ah, iyo isbeddellada dhanka siyaasadda dawladda ee lagu dhiirrigelinayo waxsoosaarka gudaha si loo yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.
Baaqyada ku aaddan beeraha iyo khayraadka dalka
Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa rumaysan in qaybta beeraha iyo xoolaha ay yihiin jihooyinka ugu muhiimsan ee u baahan in warshadayn lagu sameeyo.
Wasiirka Beeraha ee JFS ayaa isna dhankiisa bogaadiyey isbeddelladan, wuxuuna yiri: “Waxaan haysanaa waxsoosaar ku filan oo dhanka beeraha ah. Waxaan ugu baaqayaa maalgashatada Soomaaliyeed inay hantidooda geliyaan qaybta warshadaynta beeraha, sababtoo ah ma aha wax caqligal ah inaan weli dibadda ka soo iibsanno cuntooyin aasaasi ah oo dalkeena gudihiisa si fudud looga soo saari karo.”
Hadafka guud ee hadda la hiigsanayo ayaa ah in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya beeraha, xoolaha, iyo khayraadka badda iyo waliba qaybta warshadaha farsamaynta, si loo abuuro shaqooyin cusub, loona xoojiyo madax-bannaanida dhaqaale ee muwaadinka Soomaaliyeed.
From the comments