Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

“Cali Gar leh, Caydiidna Gar leh” miyaa mar kale la maqli doonaa?

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa wajahaya imtixaan culus oo dhinaca dhexdhexaadinta ah, iyadoo ay weli sii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka uu hormuudka u yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

“Cali Gar leh, Caydiidna Gar leh” miyaa mar kale la maqli doonaa?

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa wajahaya imtixaan culus oo dhinaca dhexdhexaadinta ah, iyadoo ay weli sii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka uu hormuudka u yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Saacado ka hor ergo dhexdhexaadin ah oo madaxdhaqameed u badan, ayna hoggaaminayaan Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa ku guulaystay inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuu ka guuro aagga aagga Mirinaayo, oo uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa.

Inkastoo tallaabadaasi ay guulaysatay, haddana kaalinta odayaasha Hawiye ee dhexdhaxaadinta siyaasayiintooda ayaa su’aalo badani ka taagan yihiin, maadaama odayaasha ay marar badan ay ku adkaatay inay kala saaraan dhinacyo iskhilaafay, balse u gardhiibtay iyaga.

Taariikh ahaan sagaashamaadkii qarnigii tegay, markii uu qarxay khilaafkii hubaysnaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Caydiid, odayaasha Hawiye ayaa ku fashilmay inay labada hoggaamiye heshiis gaarsiiyaan.

Khilaafkaas ayaa sababay dagaallo ba’an oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo horseeday burbur iyo khasaare aad u weyn, waxaana xilligaas si weyn loo xusuustaa oraahdii caanka noqotay ee ay odayaashu ku tilmaameen xaaladda, taas oo ahayd: “Cali gar leh, Caydiidna gar leh.” Oraahdaas oo noqotay boog ku taalla guddoonka dhaqan ee beelaha Hawiye ayaa maanta mar kale tusmaynaysa imtixaan taariikhi ah oo heerka ka gudbiddiisu ay ku xirantahay xaddiga ku-dhiirashada odaydhaqameedyada ee gaarista go’aanno masiiri ah.

Dhinaca kale, oraahdaas ayaa noqotay astaan muujinaysa sida ay ugu adkaatay odayaasha inay si cad u muujiyaan cidda khaldan iyo cidda saxda ah, iyagoo doorbidayay dhexdhexaadnimo aan mararka qaar horseedin xal waara.

Maanta, ku dhowaad soddon sano ka dib, xaalad u muuqata inay la mid tahay ayaa mar kale soo noqotay, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay labaduba u gardoontay odayaasha dhaqanka, hasayeeshee ilaa hadda ma jiro mawqif cad oo ay odayaashu ka qaateen muranka u dhexeeya labada dhinac.

Falanqaynta siyaasadeed ee miisaska siyaasadeed dul taalla ayaa muujinaysa in caqabadda ugu weyn ee hortaagan odayaasha ay tahay cabsi laga qabo inay si toos ah mid ka mid ah dhinacyada ugu sheegaan khaladka uu leeyahay, taas oo dhaawici karta kalsoonida ay ka haystaan dhinacyada.

Arrintaas ayaa keentay in odayaashu ay sii wadaan dhexdhexaadnimo taxaddar badan leh, halkii ay qaadan lahaayeen go’aan cad oo horseedi kara xal degdeg ah.

Dhanka kale, taageerayaasha wadahadallada ayaa ku doodaya in awoodda dhaqanka Soomaaliyeed ay weli tahay dhabbo muhiim ah oo lagu dejin karo xiisadaha siyaasadeed, gaar ahaan marka kalsoonida dhinacyadu ay ku qabaan odayaasha ka badan tahay tan ay ku qabaan hay’adaha siyaasadeed.

Indhaha bulshada Soomaaliyeed ayaa hadda ku wajahan odayaasha Hawiye, kuwaas oo wajahaya su’aal taariikhi ah: ma ku guulaysan doonaan inay heshiis gaarsiiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, mise waxay mar kale ku ekaan doonaan dhexdhexaadnimo aan xal rasmi ah dhalin, sida dhacday xilligii Cali Mahdi iyo Caydiid?

Jawaabta weydiintaas ayaa go’aamin karta kaalinta iyo miisaanka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan maanta.

Get Goobjoog updates

From the comments