Goobjoog

Maqaallada Goobjoog

BAARITAAN: Haddii aad ku safartay diyaaradda Ethiopin Airlines shantii Maarso, waxaad raacday diyaarad tijaabo ah?

Ka warran haddii laguu sheego maalinta aad tigidh diyaaradeed goosato, kursigaaga aad ku fariisato, suunkana aad xirato, islamarkaana aad sugaysay oo keliya in diyaaradda cirka isku shareerto, in jirto xog…

BAARITAAN: Haddii aad ku safartay diyaaradda Ethiopin Airlines shantii Maarso, waxaad raacday diyaarad tijaabo ah?
A member of the ground crew directs an Ethiopian Airlines plane at the Bole International Airport in Ethiopia’s capital Addis Ababa, August 21, 2015. REUTERS/Tiksa Negeri

Ka warran haddii laguu sheego maalinta aad tigidh diyaaradeed goosato, kursigaaga aad ku fariisato, suunkana aad xirato, islamarkaana aad sugaysay oo keliya in diyaaradda cirka isku shareerto, in jirto xog muujinaysa in diyaaradda aad saarantahay maalmo ka hor lagu arkay cilad la xiriirta matoorka, duulimaadka maantana uu yahay tijaabo ?

Taasi waa su’aasha ugu weyn ee ka dhalatay xog iyo cadeymo ay heshay Goobjoog oo ku saabsan diyaaradda Ethiopian Airlines ee nooca Boeing 737-800, sumaddeeduna tahay ET-AQN.

Dukumiintiyada ay aragtay Goobjoog waxay muujinayaan in 2-dii Maarso 2026 diyaaradaas laga diiwaangeliyay cilad la xiriirta matoorka diyaaradda, waxaan gubtay mid ka mid ah 2da matoor ee diyaaradda. balse nasiib Wanaag si nabad ah ayay ku keentay Rakaabkii ay siday.

Ka dib Saddexdii ilaa Afartii bisha ayaa lagu sameeyay Bedelka Matoorka mid ka mid ah balse waxaa jiray walaac ku saabsan in ay ku shaqeyn karto iyo in kale iyadoo lagu balamay in diyaaradda ay sameyso hal duulimaad oo Tijaabo ah Shanta bisha. iyadoo cilad bixin lagu sameeyay ayaa lagu balamay in ay safarka koowaad Tijaabo sameyso balse Rakaab ayay horay ka qaaday.

Waxa ay gashay Safar dheer oo Muqdisho ilaa Addisababa ah iyadoo wali ciladdii aan la xaqiijin in lagu guuleystay. Diyaaradda duulimaadkii ET377 waxaa lagu biimeeyay 139 qof oo rakaab ah.

Rakaabkaas dhamaantood ma aysan ogeyn waxa ka socday qeybaha farsamada ee diyaaradda. Waxay u ahayd maalin caadi ah oo safar.

Qaar waxay u socdeen shaqo, qaar qoysaskooda ayay booqanayeen, halka kuwo kalena ay dalkooda uga sii gudbayeen meelo kale. Laakiin xogta hadda soo baxeysa waxay muujineysay in gadaasha safarkaas caadiga u muuqday ay jireen su’aalo farsamo oo aan weli jawaabo rasmi ah loo helin.

Markii diyaaraddii ay duushay ayaa waxaa dhashay waalac xooggan iyadoo la sheegay in welwel uu soo food saaray dadkii ogaa in diyaaradda Tijaabo tahay. Waxaa muddo Saacad ah la sugayay warka ku saabsan in ay Addis ababa nabad ku gaartay balse nasiib wanaag way nabad tagtay.

Intii dabagalka xogtan aan ku guda jirnay Goobjoog waxay la hadashay ilo xog-ogaal ah iyo masuuliyiin la xiriira waaxda duulista hawada.

Ilo-wareedyadan, oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo amni awgood, ayaa xaqiijiyay jiritaanka warbixino la xiriiray ciladda diyaaradda kahor duulimaadka.

Sida ku cad fariimaha hawlgalka ee la is dhaafsaday maalinta duulimaadka, shaqaalaha garoonka waxay guda galeen habraacyadii caadiga ahaa ee bixitaanka diyaaradda, waxaase jiray wal wal xooggan iyo su’aal ku saabsan hadii duulimaadkaan uu bad baadi doono iyo haddii kale.

Wax kasta waxay u muuqdeen kuwo caadi ah.

Laakiin su’aasha Goobjoog ay baaritaankeeda ku raadineyso ayaa ah: maxay ahayd nooca saxda ah ee ciladda la sheegay? Ma ahayd cilad yar oo si buuxda loo dayactiray mise waxay ahayd arrin u baahneyd baaritaan dheeraad ah?

Khubarada duulista waxay sheegaan in matoorku yahay qeybta ugu muhiimsan ee diyaaradda. Inkastoo diyaaradaha casriga ah lagu qalabeeyay nidaamyo badan oo badbaado, haddana cilad kasta oo matoor lagu arko waxay si toos ah u gashaa heerka ugu sarreeya ee qiimeynta amniga duulimaadka.

Illaa hadda ma jirto caddeyn muujinaysa in duulimaadka ET377 uu la kulmay xaalad degdeg ah ama khatar hawada ka dhacday. laakiin xogta waxa ay caddeysay in duulimaadka uu baxay iyadoo cilad lagu ogyahay.

Laakiin waxa xaqiiqo ah in xogta ay heshay Goobjoog ay dhalisay walaac ku saabsan sida loo maareeyay warbixinta ciladda iyo in dhammaan habraacyadii badqabka si buuxda loo maray.

Su’aasha ugu dambeysa ee weli taagan ayaa ah mid ay jawaabteeda sugayaan rakaabkii saarnaa diyaaraddaas iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed:

Haddii cilad matoor la diiwaangeliyay kahor duulimaadka, yaa xaqiijiyay in khatartu dhammaatay ka hor inta aan 139 qof loo oggolaan inay diyaaradda fuulaan? Maxaa loo sameyn waayay xitaa tijaabo duulimaad oo kooban si loo hubiyo in ciladdii xal loo helay?

Goobjoog waxay sii waddaa baaritaankeeda, iyadoo raadineysa jawaabaha su’aalahan iyo war-celin rasmi ah oo ka timaadda Ethiopian Airlines, maamulka garoonka iyo hay’adaha duulista rayidka

Get Goobjoog updates

From the comments